Taliyaha ciidanka booliska galmudug col Khalif Abdulle Maalin ayaa hambalyo u diray dhammaan Ummadda Soomaaliyeed
Taliyaha ciidanka booliska galmudug col Khalif Abdulle Maalin Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Galmudug, munaasabadda Ciidul-Fidriga.
Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu sanadkan sanadkiisa nagu gaarsiiyo nabad, caafimaad iyo barwaaqo,Sidoo kale, waxaan bulshada ku Boorrinayaa inay is garab istaagaan, is caawiyaan, isla markaana si gaar ah u xusuustaan dadka Tabaaleysan, si ay qeyb ugu noqdaan farxadda maalmahan barakaysan ee Ciidda.
Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa ciidamada Booliska galmudug ee ka shaqeeyay sugidda amniga dhammaan deegaannada iyo degmooyinka Galmudug, kuwaas oo dadaal muuqda geliyay ilaalinta nabadda iyo xasilloonida inta lagu guda jiro maalmahan bisha barakaysan ramadaan
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال
Dhammaantiin Ciid Mubaarak.
