Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Xeraale, Cabdisalaan Matan Maxamuud, oo kaashanaya guddoomiyeyaasha deegaannada Lajiide iyo
Bali-Howd, ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Qalanqale, kaddib cabasho ka timid maamulka deegaannadaas oo xiriir la sameeyay Taliska Booliska Galmudug. Dadka deegaanka ayaa cabasho kasoo gudbiyay jarista dhirta sharci-darrada ah oo looga shidayay dhuxul.