Welcome to Galmudug Police

Taliyaha Ciidanka Booliska Galmudug, G/Sare Khaliif Cabdulle Maalin, oo ay wehlinayeen saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska Galmudug, ayaa galabta kormeer shaqo ku tagay saldhigyada booliska ee degmooyinka Cadaado iyo Godinlabe.

04 Apr

Ujeeddada kormeerkan ayaa ahayd indha-indheyn guud oo lagu sameeyo xaaladda amniga, habsami u socodka howlaha shaqo ee Ciidanka Booliska, iyo tayeynta wada-shaqeynta u dhexeysa shacabka iyo laamaha amniga ee ka howlgala deegaannada Galmudug.

Intii uu kormeerku socday, Taliyaha ayaa booqday saldhigyada booliska ee degmooyinka Cadaado iyo Godinlabe, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay. Taliyeyaasha saldhigyada booliska ee labada degmo ayaa Taliyaha ka siiyay warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda amniga iyo howlaha shaqo ee ka socda saldhigyada.

Sidoo kale, Taliye Khaliif Cabdulle Maalin ayaa ciidamada iyo saraakiisha u jeediyay dardaaran, dhiirrigelin iyo talooyin ku aaddan adkeynta anshaxa shaqo, feejignaanta amni, iyo u adeegidda bulshada.

Ugu dambeyn, Taliyaha Ciidanka Booliska Galmudug, G/Sare Khaliif Cabdulle Maalin, ayaa xusay in adkeynta amniga iyo ilaalinta nabadgelyada shacabka ay tahay mudnaan gaar ah oo saaran Ciidanka Booliska Galmudug. Wuxuu tilmaamay in kormeeradan shaqo ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo sugidda amniga guud iyo xasilloonida deegaannada Galmudug.